Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Daawo Sawirada “Sidee loo soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo maanta gaaray Magaalada Garowe

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta gaaray Magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa si her sare ah loogu soo dhaweeyay Magaaladaas.

Mudane Khayre iyo wefdigiisa waxaa magaalada Garoowe ku soo dhaweeyey Madaxwaynaha Puntland iyo Ku xigeenkiis iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Garoowe.

Waxaa lagu wadaa in halkaasi ay kulamo kula qaataan wafdiga ra”isul wasaaraha madaxda iyo shacabka Puntland, iyadoo maalmaha soo aadan ay ku sii sugnaan doonaan deegaanada Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadkan ayaa ka dhacaya magaalada Garowe Waana markii ugu horeysay ee Ra’iisul Wasaare Kheyre oo tago Puntland tan iyo intii uu xilka loo magacaabay sanad iyo bar ka hor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir looga hadlayo xaalada Gaza oo furmaya iyo dalal badan oo lagu casuumay

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Amray in la joojiyo iibinta Buugaagta Manhajka Dugsiyada sare ee Puntland

Cabdi Cade

Fatuma Issaq oo ka shaqeysay in Haweenka Muslimiinta ee ku jira Milatariga K/Afrika loo ogolaado Xijaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---