Allbanaadir.com
NEWS

Xukun Dil ah oo saakay lagu fuliyay ninkii Dilay Wasiir Cabaas Cabdullahi Siraaji

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay Axmed Cabdullaahi Cabdi Caydiid oo hore u dilay Wasiirkii howlaha guud xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Cabaas Cabdullahi Siraaji.

Askarigan xukunka dilka ah lagu fuliyay saakay ayaa ilaalo u ahaa hanti dhowrihii hore ee Qaranka Nuur Faarax, waxaana maxkamadda ciidamadda ninkan xukun dil ah ku riday Bishii july ee sannadkii 2017 .

Dowladii madaxweyne Farmaajo ayaa ku guul dareesatay in askarigan xukun dil ah ku fuliso, waxaana xilligaasi banaan baxyo magaalada ka dhigay dad kasoo jeeda beesha uu askarigan kasoo jeeday oo diidanaa in xukun dil ah lagu fuliyo.

Ehelada wasiirkii hore ee howlaha guud Cabaas Cabdullahi Siraaji ayaa marar badan dalbaday in ay helaan caddaalad, waxaana ugu dambeyn askarigan gacan ku dhiiglaha ahaa saakay lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa ee lagu riday shan sanno kahor.

Xukunka dilka ah ayaa saakay ka dhacay xerada jeneraal Gordon ee kutaalla magaalada Muqdisho, waxaana goobjoog ka ahaa goobta xukunka ka dhacayay saraakiil katirsan ciidanka dowladda .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaqaalaha rayidka ah ee Dowlada Somalia oo la fasaxay iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Golaha Wasiirrada oo baaq ka dhan ah Itoobiya ah u dirtay dadka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Gubitaanka xaruntii Bisha Cas ee Baardheere oo si kulul loo cambaareeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---