Madaxweyne Erdogan oo khadka telefanka kula soo xiriray dhigisa dowlada Somalia

Madaxweynaha Turkiga Reccep Dayib Erdogan ayaa khadka telefanka kula soo xiriiray dhigiisa Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud, isagoo kaga tacsiyadeeyey dadkii dhimashada iyo dhaawacyadu ka soo gaareen qaraxyadii ka dhacay nawaaxiga isgoyska Zoope ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Turkiga ayaa laagu sheegay in Turkigu garab taagan yahay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Madaxweyne Erdogan ayaa khadka taleefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo cambaareeyay kana tacsiyadeeyey weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay Muqdisho 29-kii October” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxweynaha Turkiga.

Madaxweyne Erdogaan ayaa u rajeeyay inuu ALLE u naxariisto dadkii ku dhintay weerarkaas foosha xun, kuwa ku dhaawacmayna uu caafimaad degdeg ah siiyo.

Dad ka badan 100 qof ayaa ku naf waayey in ka badan 300 kalena wey ku dhaawacmeen Magaalada Muqdisho qaraxyadii is xig xigay oo ka dhacay doraad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -