(Sawirro) Khasaaraha qaraxyadii ka dhacay nawaaxiga isgoysyada Zoope oo sii kordhaya

Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo waaweyn oo maanta ka dhacay nawaakiga isgoyska Zoope ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo midkood lagu weeraray xarunta Wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare oo ku taalla agagaara laami yaraha Soobe.

Waxaa meesha ka baxay warar markii hore soo baxay oo sheegayey in qaraxyada ka dib ay rag hubeysan gudaha u galeen xarunta Wasaarada Waxbarashada, iyadoo saraakiisha ciidamada DF sheegeen in weerarkan uu ku koobnaa qaraxyo kaliya aysan jirin rag hubeysan oo galay Wasaarada.

Meydadka dad fara badan ayaa laga qaaday goobta, halka kuwo kalena ay ku hoos jiraan burburka daaraha dumay ee halkaas ku yaalla, iyadoo sidoo kale isbitaalada Muqdisho la gaarsiiyey dhaawacyo aad u fara badan oo waxyeelo ka soo gaartay qaraxyadaas.

Sidoo kale qaraxyadan ayaa geystay burbur aad u fara badan oo soo gaaray goobo ganacsi oo ku teedsanaa nawaaxiga Isgoyska Zooobe, gaadiid iskugu jira mootooyinka bajaajka iyo gaadiidka dadweynaha ayaa sidoo kale daadsan wadada bartamaheeda kuwaasoo qaarkood gubtay qaar kalena waxyeelo xoogan soo gaartay, waxaana weli lakala gurayaa dhaawacyada iyo meydadka  oo u muuqda kuwo tiro beelay.

Qaraxyadan ayaa dad badan soo xusuusiyey qaraxii baaxada weynaa oo sanado ka hor bishan oo kale oo ka dhacay isgoyska Zoope kaasoo galaaftay nolosha boqolaal qof iyo dhaawaca boqolaal kale.

Laamaha amaanka DF aya weli war ka soo saarin qaraxyadan, sidoo kale ma jirto illaa hadda koox sheegatay masuuliyada labada qarax inkastoo qaraxyada noocan ah looga bartay Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -