Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaalka Sudan oo weji cusub yeeshay iyo arrin cusub oo soo korortay (Sawirro)

Sida ay sheegeen dadka deegaanka. dagaal aan horay loo arag oo u dhexeeya dagaalyahanno ka tirsan Ciidaamda Gurmadka degdegga iyo militariga ayaa ka socda duleedka waqooyi ee caasimadda Suudaan

Dagaallada ka socda Baxri ayaa la mida kuwii ka dhacay bartamaha Khartoum maalmihii ugu horreeyay ee dagaalka, kaas oo biloowday saddex toddobaad ka hor.

Ciidamda Gurmadka degdegga ah (RSF) ayaa muuqaal ay soo duubeen ku sheegay in ay soo rideen diyaarad dagaal oo ay wateen ciidamada milatariga ee ku sugan magaalada Baxri. Warkaasi weli si madax banaan looma xaqiijin.

Tan iyo markii ay markii ay bilaabatay collaadu dagaalyahannada RSF ayaa gacanta ku hayay inta badan magaalada Khartoum iyada oo ciidamadu ay weerar cirka ah ku qaadeen.

Ciidanka ayaa hadda sheegay in ay horumar wanaagsan ka sameynayaan dhulka, waxayna ku adkeysanayaan in ay ku gacan sareeyaan Baxri.

Dhinaca kale, Qaar ka mid ah ganacsatada halkaasi ku ganacsanayayey ayaa u furay ganacsigooda inkasta oo uu dagaalku dhacayey. Iyada oo dadku ay gabaabsi ku yihiin cuntada iyo lacagta, bililiqo baahsan ayaa dhacday galabnimadii Arbacada kuwaas oo lala beegsaday dhammaan dukaamada haddii ay furan yihiin ama ay xiran yihin.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaarada Waxbarashada oo digniin siisay Jaamacado laga qaadayo talaabo adag

Caydiid Ali

UK: Wasiirad ka hor timid dibed baxyada lagu taageerayo Falastiin oo shaqada laga eryey

Caydiid Ali

Musharax Madaxweyne oo ka cabsi qaba in Sidii Jawaari loo diido Shahaadada Musharaxnimo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---