Weriyeyaal dhimasho & dhaawac ku noqday qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho

Saddex ka mid ah weriyeyaasha bahda saxaafada Soomaaliyeed ayaa ka mid noqday dad fara badan oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxyadii isxigay ee maanta ka dhacay nawaaxiga isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa kuwaasoo lagu weeraray xarunta Wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare oo ku taalla agagaara laami yaraha Soobe.

Weriye Axmed Ciise Koonaa oo ka tirsanaa bahda saxaafada Muqdisho kana soo shaqeeyey warbaahino kala duwan ayaa ka mid ah dadka ku geeriyooday qaraxyadii maanta.

Sidoo kale waxaa dhaawacyo fudud ay soo gaareen labada weriye ee kala ah Feisal Cumar oo u shaqeynayay wakaalada wararka ee Reuters iyo Cabduqaadir Maxamed Cabdulle oo ah wakiil wareedka idaacada VOA Somali u jooga Muqdisho.

Weriyeyaashan ayaa la sheegay iney waxyeelo ka soo gaartay qaraxii labaad ee goobtaas ka dhacay xili ay ku howlanaayeen iney warbixino iyo muuqaalo ka diyaariyaan qaraxyada goobta ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -