Taliyihii saldhiga Booliiska Hodan iyo dad kale oo badan oo ku dhintay Qaraxyadii Muqdisho

Labo qarax oo aad u xooggan oo loo adeegsaday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay xarunta wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee kutaalla agagaarisa Isgooska Soobe ee Muqdisho.

Qaraxa hore ayaa la sheegay in uu ka dhacay afaafka hore wasaaradda tacsliinta sare, waxaana qaraxa kaddib gudaha wasaaradda la sheegay in ay galeen dabley hubeesan oo katirsan kooxda Al Shabaab .

Daqiiqado kaddib ayaa meel aan ka fogeyn xarunta wasaaradda ee qaraxii hore lagu weeraray waxaa ka dhacay qarax labaad oo isna aad u xoog badnaa, qaraxan ayaana waxyeelo gaarsiiyay dad ka badbaaday qarxii hore.

Taliyihii Saldhiga booliiska degmada Hodan Xuseen Cadceed iyo saraakiil kale oo katirsan booliiska ayaa la sheegay in ay ku dhinteen qaraxii labaad, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxa saraakiil kale oo katirsan ciidamada.

Qaraxyada xooggan ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay dad kale oo shacab ah oon wali tiradooda rasmiga ah aan la xaqiijin karin, waxaana aad loo soo warinayaa in khasaaraha ka dhashay qaraxyadan aad u badan yihiin maadaama goobta ay aad mashquul u aheyd.

Waxii warar soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -