Ciidamo ka tirsan ATMIS oo dalkoodi ku laabtay & kuwo cusub oo bedelay (Sawirro)

Ciidamo ka tirsan ATMIS oo ka socda dalka Ugandha ayaa ka ambabaxay Somalia iyadoo lagu soo bedelay kuwo cusub oo islan dalkaas ka yimid.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ku amaanay ciidamada Uganda ee ka baxay dalka kaalintii ay ka qaateen dadaallada nabadda iyo xasilloonida.

Munaasabad bilado iyo shahaado sharaf lagu guddoonsiinayay koox saraakiil ah oo ka socday kooxda Uganda Battle Group oo dhameystay hal sano ah oo ay ku joogeen Soomaaliya iyagoo hoos tagay ATMIS ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho.

Munaasabada ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Taliye ku xigeenka Ciidamada ATMIS-ka u qaabilsan dhanka Howlaha iyo Qorsheynta Sarreeye Gaas William Kitsao Shume oo u mahad celiyay Ciidamada waqtigu ka dhamaaday ee ka qeyb qaatay gudashada waajibaadka loo igmaday.

“Waan ku faraxsanahay wax-qabadkiina iyo guulihiina,” ayuu yiri Sarreeye Gaas Shume. “Markii aad dalkaaga ku soo laabato, ku faan in dadka Soomaaliyeed ay ku faraxsan yihiin oo ay ku mahadsan yihiin waxa aad qabatay. Sidoo kale, Ciidanka Xoogga Dalka, oo aad sii wadatay la-talinta, waxay ku mahadsan yihiin shaqada aad haysaan.” ayuu yiri

Intii ay ku guda jireen howlahooda shaqo, kooxdan waxay fariisin ka dhigteen degaanada Carbiska, iyo Lantabuur, ee gobolka Shabeellaha Hoose. Sidoo kale, ciidamada ayaa sugayya ammaanka xarumaha muhiimka ah ee dowladda ee ku yaalla Muqdisho, sida madaxtooyada, dekedda Muqdisho, baarlamaanka federaalka, iyo xerada ATMIS.

Taliyaha ATMIS ee Uganda, Brig. Gen.Keith Katungi, ayaa ku bogaadiyay kooxda ciidamada ee waqtigeeda dhamaaday sida ay u fuliyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana ay sugeen amniga doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha dowladda federaalka.

“Waxay ahayd muhiim in aan gudaha eegno oo aan hubinno in kala-guurka siyaasadeed iyo xilliga doorashadu ay ahayd mid hagaagsan,” ayuu yiri Brig. Gen. Katungi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -