Masuuliyiin iyo Saraakiil ciidan oo gaaray Deegaanka Masaajid Cali Gaduud (Sawirro)

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Mayre Makaraan , oo ay wehliyaan saraakiil ciidan oo katirsan milatarirag Soomaaliya ayaa gaaray deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Masuuliyiinta iyo saraakiisha ciidan ayaa kormeer ku sameeyay qeybo kamid ah deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo shalay subax si buuxda usoo gashay gacanta ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Dadkii ku noolaa deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa intooda badan halkaasi isaga qaxay, waxaana deegaanka oo ah mid haawanaya ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee duullaanka ku qaaday.

Guddoomiyaha gobolka iyo saraakiisha ciidan ayaa sheegay in ay ka shaqeenayaan sidii deegaankaasi xasiloonida loogu soo celin lahaa, waxa ayna ugu baaqeen dadkii shacabka ahaa ee kunoolaa in ay kusoo laabtaan.

Ciidamada dowladda ee la warreegay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa halkaasi kawada miino baaris iyo baaritaano kale, waxa ayna ciidamada wadaan qorshayaal kale ay uga sii gudbayaan deegaanka.

Deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ku qaadatay in ay kula wareegaan wax ka badan isbuuc, waxaana deegaankaasi ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay iyo duqeymo culus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -