Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda Ciidamada oo saakay Xukun dil ah ku fulisay labo nin oo dilal horey u geestay

Fagaaraha Iskool Buluusiya ee kuyaalla magaalada Muqdisho ayaa saakay xukun dil ah lagula fuliyay labo nin oo horey maxkamadda ciidamada  xukun dil ah ugu riday, kuwaa oo lagu helay in dilal kala duwan horey u geesteen.

Ragan saakay maxkamadda ciidamada xukunka dilka ah ku fulisay oo lagu kala magacaabo  Aadan Maxamed Cali Maxamuud iyo Maxamed Cali Maxamed Faarax , ayaa horey u qirtay in ay katirsanaayeen kooxda Daacish .

Maxkamadda ciidamada ayaana ku heshay labadan nin in dilal kala duwan  dad shacab ah iyo shaqaale dowladeed ugu geesteen magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso oo ay ka howlgali jireen.

Xukunada dilka ah ay fulineyso maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maalmahan sii kordhaya, waxaana maxkamadda isbuucan kaliya fulisay xukunkii saddexaad oo dil ah oo lagu fuliyya rag horey xukuno dil ah loogu riday xilligii dowladii Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Puntland oo qabtay rag dilal ka geystay Garowe

Caydiid Ali

Ciidanka Israel oo duqeyn ay dad ku dhinteen ka geystay Konfurta Lubnaan

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Khayre oo soo dhameystay booqashadii uu ku tegay dalka Sudan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---