Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa si wadajir ah u Dhagax-dhigay dhismaha Waddooyinka Laamiga ee Degmada Xamarweyne.
Jidadka la dhagax ayaa waxaa ka mid ah wadada Via Roma ee ka so bilaabata dhabarka dambe ee xarunta gobolka Banaadir, isla markaana hor marta kawaanka hilibka illaa isgoyska Martiini taasoo dhowaanahan wajahaeysay burbur xoogan maadaama aan la dayactirin tan iyo burburkii dowladii dhexe 25 sano ka hor.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay dib-u-dhiska, soo celinta bilicda iyo horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horeeyaan dhismaha waddooyinka Caasimadda, asigoona xusay in Degmada Xamarweyne ay tahay Degmo facweyn oo taariikhi ah, isla markaana loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato horumarinteeda.
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Jiriil Cabdirashiid ayaa ku boogaadiyay Maamulka Gobolka Banaadir qorshayaasha horumarineed, gaar ahaan dib-u-dhiska waddooyinka, waxa uuna ku dheeraaday taariikhda iyo muhiimada ay waddadaan u leedahay bulshada Caasimadda Muqdisho.
Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada Degmada Xamarweyne ayaa ugu mahadceliyay Guddoomiye Maxamed Axmed Amiir dadaalada uu ku bixinaayo dib-u-dhiska waddooyinka Laamiga ah, iyagoona xusay in ay doorkooda ka qaadan doonaan ilaalinta waddooyinka, Nadaafada iyo Bilicda.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee G/Banaadir Md. Xasan Maxamed Jimcaale, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta G/Banaadir Md. Cabdicasiis Maxamed Cusmaan, Madaxa Mashruuca Nagaad ee Soomaaliya Md. Maxamed Nuur Cadde, Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne Md. Cusmaan Muriidi Cali, Agaasimeyaal, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.