RW Somalia oo sagootin iyo maamuus u sameeyey danjire Hassan Bin Xamsa (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa caawa casho sharaf sagootin ah hoygiisa ugu sameeyay Safiirka Qadar ee Soomaaliya, Xasan Bin Xamsa Hashim.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Safiirka hawshii uu ka qabtay Soomaaliya intii uu ahaa Danjiraha dalka Qadar u fadhiya magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qadar uu yahay mid soo jireen ah, isla markaana ay Xukuumaddiisa ka go’an tahay inay sii xoogeyso iskaashiga labada waddan u dhaxeeya.

Safiirka oo dhowaan uu beddeli doono Safiirka cusub ee Qadar ay u soo magacawday Soomaaliya, ayaa waxa Ra’iisul Wasaare Xamse uga mahad celiyey wadashaqeynta iyo

xiriirka soo jireenka ah, isaga oo si gaar ah uga mahadnaqay munaasabadda cashada ah iyo hadiyado uu guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaruhu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -