Shirkad yaab leh oo laga hirgeliyey waddanka Tunisia iyo shacabka oo ka qeyliyey

Shacabka dalka Tunisia ayaa si weyn uga qayliyey shirkad la timid arrin ugub ku ah dalkaas oo dad badan fajac ku abuuray.

Shirkaddan oo dhowaan la asaasay ayaa sheegtay inay u shaqayn doonto qaabkii ay isu furi lahaayeen dadka lammaanaha ee damca inay kala tagaan. Taasoo ay ku macnaysay inay dadka siinayso talo ku habboon qaabka loo soo af meeri karo nolosha guryaha laysku fahmi waayo.

Shirkaddan ayaa Faras magaaleyaasha caasimadda Tunis ka qotimisay boorar ay ku xardhan yihiin “Go’aanka furniinka adigaa iska leh, annaguna waxaannu kuu haynaaa taladii iyo dariiqii aad u mari lahayd ”

Hawsha shirkaddani soo kordhisay ayaa noqotay mid abuurtay yaab iyo caro badan oo ka timid dhinaca dadweynaha, taasoo keentay in dawladda hoose ee caasimadda dalkaasi ay soo rogto amar sheegaya in la furfuro xayaysiisyada waddooyinka laga taagey ee ay shirkaddu ku soo bandhigtay adeegyada ay qabanayso.

Dalka Tunisia oo dhaca woqooyiga qaaradda Afrika, ayaa la sheegaa inay sannad walba kala tagaan lammaaneyaal tiradooda lagu qiyaasay 20 kun kuwasoo isku fahmi waayey iney nolosha wada qeybsadaan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -