Ciidamada Itoobiya oo mar kale qarka u saaran iney qabsadaan Magaalada Makelle

Ciidamada Itoobiya oo taageero ka helaya kuwa Eritrea ayaa la soo sheegayaa iney kulaalayaan magaalada Makelle ee xarunta maamulka gobolka Tigray

Milateriga Itoobiya ayaa qarka u saaran inay qabsadaan magaalada Makelle, iyadoo Warar aan weli la xaqiijin ay sheegayaan inay gaareen gegida diyaaradaha ee magaaladaasi.

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa magaalada Makelle, iyadoo shacabka magaaladaas ay ka cabsi qabaan iney mar kale dhibaatooyin iyo xad gudubyo kala kulmaan ciidamada Itoobiya hadii ay qabsadaan magaaladaas.

Madaxda TPLF ayaa laga yaabaa iney mar kale wajahaan duurka, kana baxaan magaalada Makelle, iyadoo ciidamada Itoobiya ay dhowaanahan horumaro waaweyn ka sameeyeen dagaalka ay kula jiraan maamulka Tigray. iyagoo qabsaday magaalooyin badan.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili Wadahadallo nabadeed oo looga golleeyahay in lagu soo afjaro colaadda taagan gobolka Tigray ay ka socdaan dalka Koonfur Afrika, sida laga soo xigtay afhayeenka madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.

Dhinaca dowladda federaalka ee Itoobiya waxaa wadahallada uga qeybgalayaa Redwan Hussein oo ah la taliyaha arrimaha amniga ee Ra’iisul Wasaare Abiy iyo wasiirka caddaaladda Gedion Timotheos, Halka TPLF ay wadahadallada ku matalayaan afhayeenkooda Getachew Reda iyo General Tsadkan Gebretensae.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -