Daawo Sawirada: Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho oo Turkiga loo qaaday

Waxaa goordhaw diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka duushay diyaarad milatari oo dowlada Turkiga Turkiga usoo dirtay Soomaaliya, waxa ayna diyaaradan qaaday qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay diyaarada milatari ayaa qaaday 15-qof oo qaba dhaawacyo culus oo wax looga qaban waayay isbitaalada kuyaala magaalada Muqdisho , waxaana dadkan dhaawacyada qaba la filayaa in la geeyo isbitaalo kuyaala dalka Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo dowlada katirsan ayaa sii sagootiyay dhaawacyada goordhaw laga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxa ayna masuuliyiinta dadkaasi u rajeeyeen caafimaad deg deg ah.

Dhaawacvyada loo qaaday dalka Turkiga aya ala sheegay in ay yihiin kuwa cul culus oo inta badan wax looga qaban waayay isbitaalada Muqdisho, waxaana dhaawacyada inta Turkiga la geenayo lasii tacaali doona dhaqaatiir Turki ah oo diyaarada la socda.

Dowlada Turkiga ayaa noqotay dowladii ugu horeesay ee usoo gurmata dadka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxii Muqdisho, waxa ayna Turkiga saakay Muqdisho usoo dirtay diyaarad daawo wada sidoo kale dhaawacyada qaadeysay.

- Advertisement -