Xildhibaanad ka tirsan Baarlamanka Dowlad degaanka Soomaalida oo Jigjiga lagu dilay

Xildhibaan Juweriya Subcis oo ka tirsan Baarlamaanka dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa ku geeriyootay rasaas uu furay Askari ka tirsan Ciidanka Federaalka Itoobiya

Askarigan ayaa ka mid ah ciidamamada amniga ee Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-waal ee magaalada Jigjiga.

Marxuumada ayaa xiliga ay rasaastu haleeleysay waxay ku sugneyd garoonka dayuuradaha Jigjiga sida wararku sheegayaan

Sidoo kale, wararka ayaa intaas ku daraya inay jiraan dhaawacyo soo gaarey dad kale oo Soomaaliyeed , kuwaasoo ku sugnaa Gudaha Garoonka.

Falkan ayaa yimid ka dib muran soo kala dhex-galay Askari Soomaali ah iyo Midka Xabashiga ah ee rasaasta furay, Mana jiro ilaa hadda cid ka tirsan Maamulka Deegaanka Soomaalida oo ka hadashay dhacdadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -