RW Xamza “Amni darro awgeed waxaan ka baqaya inaan Airportka guryo ka dhisano” (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu taageerayey Xukuumadda oo ay soo qaban-qaabiyeen qaar kamid ah bulshada Caasimadda.

Waxgaradka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee munaasabadda hadalka ka jeediyey, ayaa  tilmaamay sababta ay madashan u qabteen, iyo sida ay ugu qanacsan yihiin Xukuumadda cusub, si loo sii ambaqaado daadaallada ku aaddan horumarka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey dadweynihii soo qaban qaabiyey munaasabadda, waxuuna xusay in xukuumaddiisu ay dadaalkeeda isugu geyn doonto sidii bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan loo gaarsiin lahaa adeegga dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan abaaro ba’an oo saameeyey nolosha in ka badan hal milyan oo Soomaali ah, una baahan gurmad, isagoo baaq u diray ganacsatada iyo guud ahaan cid walba oo gacan ka geysan karta.

Waxaa uu sheegay in amni la’aantiisa aan waxba la qaban karin, isagoo xusay Mashaariic dalka ka socotay ay qaarkooda u joogsadeen amni xumo, isagoo tusaale u soo qaatay dhismaha Jidka isku xira Muqdisho iyo Balcad.

Magaalada Muqdisho inta inta ay askari qori wata u baahan tahay waxaa ay uga baahi badan tahay gabar guri joogta, maxaa yeelay cadawga guryaha ayay joogaan gabdhaha ayaana ku wehliya” ayuu yiri Xamse.

Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Waxaa cabsi laga qabaa amni darrada jirta awgeed inaan Airport guryo ka dhisano”.

Munaasabadda waxaa sidoo kale, ka qayb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiirro, Duqa magaalada Muqdisho, Agaasimiyaal, Odayaasha Dhaqanka, Haween, dhallinyarro iyo qeybaha kale ee bulshada.

- Advertisement -