Ruushka oo duqeyn lagu hoobtay ka geystay Magaalo ka fog furumaha dagaalka (Sawirro)

Milateriga Ruushka ayaa gantaalo ku garaacay magaalo ku taalla bartamaha Ukraine, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 23 qof in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine ayaa ku eedeeyay Ruushka inuu si ula kac ah u bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah ee ku sugan goobo aan qiimo ciidan lahayn.

Saraakiisha ayaa sheegay in gantaallada Kalibr cruise-ka laga soo tuuray markab Ruushku leeyahay oo ku sugan badda madow ay waxyeelo gaarsiiyeen xarun caafimaad, xafiisyo, bakhaarro iyo dhismayaal la deggan yahay oo ku yaalla Vinnytsia, oo ah magaalo 268 kilomitir (167 mayl) koonfur-galbeed ka xigta caasimadda Kyiv kaa fog furumaha dagaalka.

Guddoomiyaha gobolka Vinnytsia Serhiy Borzov ayaa sheegay in difaaca cirka ee Ukraine ay soo rideen laba ka mid ah afar gantaal oo Ruushku soo galay.

Taliyaha booliska qaranka Ihor Klymenko ayaa sheegay in lix meyd oo kaliya la aqoonsaday, halka 39 qof wali la la’yahay. Saddex carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 10 sano ayaa ka mid ah dadka dhintay. 66-da qof ee Isbitaalka la dhigay, shan ka mid ah ayaa ku soo haray xaalad halis ah halka 34 ay soo gaareen dhaawacyo aad u daran, sida uu sheegay Adeegga Gurmadka Degdegga ah ee Ukraine.

Dowlada Ruushka ayaa beenisay iney beegsatay dad rayid ah.

“Ruushka waxa kaliya oo uu weeraraa bartilmaameedyada militari ee Ukraine. Weerarkii lagu qaaday Vinnytsia ayaa lala beegsaday guri ay degan yihiin saraakiisha, halkaasoo ay ka socotay diyaarinta ciidamada qalabka sida ee Ukraine,” sidaasi waxaa yiri Evgeny Varganov, oo ah xubin ka tirsan ergada Ruushka ee Qaramada Midoobay.

- Advertisement -