Dal deris la’ah Somalia oo boqolkiiba 93 shacabkiisa aysan musqulo heysanin

Itoobiya ayaa gashay diiwaanka dalalka ugu xun marka ay timaado in shacabka ay helaan musqulo sida lagu xusay Warbixin ay soo saartay ha’yadda Charity Water Aid.

iyadoo maanta dunida laga xusay Maalinta musqulaha ayaa waxay sheegtay ha’yaddan in boqolkiiba 93 shacabka Itoobiya aysan haysanin musqulo, sidaas darteedna, Itoobiya ay gashay kaalinta ugu hoseeysa dalalka qaaradda ee aysan shacabkooda helin musqulo.

Dalalka kale ee kaalmaha hoose galay waxaa ka mid ah Madagascar, Suudaanta Koonfureed iyo dalka Chad.

Sida ay sheegtay Water Aid in kabadan 340 milyan oo ah carruurta ku nool dalalka ka hooseeya Saxaraaha qaaradda Afrika aysan haysanin musqullo isla markaasna ay halkaasi kusoo bateen cudurrada faafa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -