Xog xasaasi ah oo lagala baxay Kombiyuutarada laga Maamulo Nuclearka dalka..

Computerada laga maamulo xarumaha horumarinta Nukliyeerka ee dalka Iran ayaa waxaa jabsatay Koox aan la aqoonsan oo isku magacawday Black Reward iyagoo sheegtay inay sii daayeen sawirada xarumaha nukliyeerka ee Iran iyo ugu yaraan macluumaad gaaraya illaa 50 gigabyte oo ku saabsan arrimaha nukliyeerka ee dalkaas.

Ha’aydda tamarta atomikada ee dalka Iran ayaa iyadu sheegtay Axaddii in koox ajnebi ahi ay jabsatay ama u dhacday xogtii ku kaydsanayd mid ka mida computer-deeda, oo ay gudaha u galeen emailkooda.

Qoraal ay hay’addu soo saartay Axaddii ayay ku tilmaantay macluumaadka ku jira iimaylada shirkaddu “inay yihiin kuwo wata fariimo la xiriira dhinaca farsamada iyo xog is waydaarsiga maalinlaha ah

Kooxda Black Reward ayaa sidoo kale sheegtay inay daabacday waxa ay ugu yeedhay macluumaadka shakhsiga ah iyo lacagaha la siiyo injineerada iyo shaqaalaha hay’adda maamusha hawlaha nukliyeerka ee dalka Iran, sidoo kale waxay sheegeen inay heleen baasaboorada iyo fiisayaasha khubaro u kala dhalatay Iran iyo Ruushka oo ka hawlgala wershedda tamarta ee Bushehr.

Ururkan ayaa dalbaday inay Iran sii dayso dhammaan maxaabiista u xirxiran arrimaha siyaasadda ee xabsiga la dhigay intii ay socdeen mudaharaadadii dhowaan ka dhacay dalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -