Ma dhab baa in ciidamada Iran ay si toos ah ugu biireen dagaalka ka socda Ukraine?

Iran ayaa beenisay eedeymo kaga yimid Mareykanka oo ah in saraakiil ka tirsan militariga Iran ay ku sugan yihiin gobolka Ruushka uu qabsaday ee Crimea, si ay Moscow uga caawiyaan inay weeraro drone ah ka fuliso Ukraine.

ā€œSi xooggan ayaan u diideynaa warkan,ā€ waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran Nasser Kanani mar wax laga weydiiyey sheegashooyinka Aqalka Cad.

Kanani ayaa sheegay in Washington ay damacsan tahay inay dareenka shacabka ka weeciso kaalinta burburka leh ee ay ku leedahay dagaalka Ukraine ayada oo garab taagan dhinac ka mid ah dhinacyada dagaalka isla markaana si xooggan hub iyo qalab ugu dhoofineysa Ukraine.

Afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby ayaa sheegay in ciidamada Iran ay joogaan Crimea si ay uga caawiyaan Russia howlgalladeeda, isaga oo intaas ku daray in xubnahaas ay yihiin tababareyaal iyo shaqaale teknoolajiyad.

Kirby ayaa sheegay in ā€œTehran ay hadda si toos ah uga howlgaleyso dhulka oo ay sii dheer tahay bixinta hubka saameynaya shacabka iyo kaabayaasha shacabka ee Ukraine.ā€

Mareykanka, Britain iyo Midowga Yurub ayaa goor horeba xayiraado kusoo rogay Iran, ayagoo si la mid ah Kyiv, ku eedeeyey Iran inay diyaarado drone ah siisay Ruushka si loogu adeegsado dagaalka Ukraine.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -