Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Deni oo war ka soo saaray doorashada Gudoonka cusub ee Baarlamanka Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Hambalyo u diray Guddoonka cusub ee uu doortay Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland.

“Waxaan u hambalyeeynayaa Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland oo maanta doortay Guddoonkooda, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale ka hadlay muhimada ay leedahay doorashada gudoonka golaha wakiilada Puntland

“Guddoonka cusub ee Golaha Wakiilladu wuxuu Astaan u yahay Dimuqraadiyadda Puntland oo guuleysatay, maadaama Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Siciid uu ahaa Guddoomiyihii Guddigii Ku meel gaarka aheyd ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) kuwaasi oo ku guuleystay qabashada Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka Puntland, Waxaan u rajeynaya Baarlamaanka cusub iyo Guddoonkooda in alle u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday oo hadda ay ugu soo horeyso diyaarinta iyo qabashada Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Hambalyo,” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay khariidadii ay Itoobiya soo bandhigtay

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay in Al Shabaab gaaray jabkii ugu xumaa ayna ku jiraan xaalad adag

Cabdi Cade

Ciidamada amaanka oo qabtay Burcad dil iyo dhac ka geestay Xarun Hormuud leedahay 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---