Mid ka mid ah dhalinyaradii uu shaqo abuurka u sameeyey G/Banaadir oo caawa dilay+Sawir

Mid ka mid ah kunkii dhalinyaradii ahaa dhowaan Maamulka gobolka Banaadir uu shaqo abuurka u sameeyey ayaa goor dhow oo fiidnimadii caawa ah lagu dilay degmada Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay iney wiilkan ku dileen agagaarka Shineemo Super oo ku taalla degmada Xamar-weyne, iyagoo rasaas kaga dhuftay madaxa iyo qeybaha sare ee jirkiisa.

C/fitaax Ayaanle oo 18 jir ahaa ayaa waxaa uu ka mid ah 58 dhhalinyaro oo laga diiwaan geliyey degmada Xamar-weyne kuwaasoo qeyb ka ahaa kunka dhalinyaro ee laga qoray degmooyinka Muqdisho ee Maamulka gobolka Banaadir uu shaqo u abuurka u sameeyey.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Xamar weyne ayaa Allbanaadir.com u xaqiijiyey dilka wiilkan ka midka ahaa dhalinyarada shaqo abuurka loo sameeyey, balse faahfaahin kale kamay bixinin.

Ciidamada amaanka dowlada dowlada Somalia ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay hallkaasoo ay ka wadaan baaritaano kala duwan.

Dilkan ayaa ku soo aadaya xili maalmo ka hor dhalinyaradan shaqo abuurka loo sameeyey ay heleen mushahaharkoodii ugu horeeyey ka dib labo bilood oo la shaqeynayeen maamulada degmooyinka.

Ma jiro war ku saabsan dilkan oo ka soo baxay laamaha amaanka dowlada hase ahaatee Al-Shabaab ayaa horey ugu hanjabtay iney beegsan doonto dhalinyarada sha     qo abuurka ay u sameysay dowlada Somalia, iyadoo digniina u jeedisay waalidiinta dhalinyaradan.

Dilkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee loo geysto dhalinyaradii kunka maamulka gobolka Banaadir uu shaqo abuurka u sameeyey.

War goo dhow ka soo baxay Al-Shabaab ayay ku sheegatay dilkan, iyadoo warkan oo lagu qoray bogagga taageera kooxdan ay ku sheegeen iney degmada Xamar weyne ku dileen sarkaal ka tirsan ciidanka nabad sugida Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -