Dacwado ka dhan ah Shirkadda Apple oo loo gudbiyey Maxkamadaha Maraykanka

Dacwado ka dhan ah shirkadda taleefoonada ee Apple ayaa loo gudbiyay maxkamado ku yaala Mareykanka, ka dib markii shirakddu ay qiratay inay dhinto tayada taleefoonada iPhones-ka ah.

Maamulka Shirakadda Apple ayaa sheegay in sababta ay u sameysay arrintani ay tahay si loo xanaaneeyo talefonka, loogana hortago in baytariga taleefonka uu daciifo.

Dacwadahan oo laga furay Maxkamado ku yaala gobolada California iyo Chicago ee dalka Mareykanka ayaa waxaa gudbiyay koox isticmaasha taleefonka iPhones-ka oo matalayay dhamaan macaamiisha kale.

Macaamishan ayaa waxaa ay sheegeen in qorshaha shirkadda Apple uu saameeyay dhaqaalahooda.

Shirkadda Apple ayaa markii ugu horeysay qiratay arrin muddo laga shakisnaa, taasoo ah in ay dhinto tayada taleefoonada iPhones-ka loo yaqaano marka muddo la heysto.

Arrintan ayaa soo shaac baxday ka dib markii qof macaamiisha ka mid ah uu shabakada Reddit ku soo qoray inuu ogaaday in talefoonkiisa tayadiisa shaqo la dhimay, taana uu ku ogaaday markii uu isticmaalay taleefoon kiisa la jaan ah.

Balse dadka qaar ayaa sheegay in sababta ay tahay in Apple ay dadka ku dhiiregalinayso inay iibsadaan jaadadka cusub ee taleefoonada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -