Maxay soo kordhin kartaa xayiraadda Maraykanka saaray xubno ka tirsan al-Shabaab?

Maraykanka ayaa in ka badan 10 xubnood oo ka mid ah saraakiisha ururka Al-Shabaab iyo taliyayaashooda ku soo rogtay xayiraad.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in shakhsiyaadkaasi ay ka tirsan yihiin shabakad ururka Al-Shabaab u qaabilsan fududeynta dhaqaalaha iyo hubka oo xayiraado lagu soo rogay.

Shaqsiyaadka xayiraadaha lagu soo rogay waxaa ka mid ah Cabdullahi Jeeri (Jeeri) oo ah madaxa Al-Shabaab ee keenista hubka, isaga oo kooxdaas hub uga soo iibiya gudaha dalka iyo dibedda, gaar ahaan dalka Yemen; Khalif Adale oo Al-Shabaab u qaabilsan lacag kasoo ururinta ururada aan dowliga aheyn ee NGO-yada, iyo Xasan Afgooye oo horey Marayanku $5 milyan u dul dhigay madaxiisa.

Shiikh Cumar Maxamed Abu Ayaan oo horey uga tirsanaa Al-Shabaab ayaa tallaabada Mareykanka ku sifeeyey mid aan waxba ka duwaneyn cunaqabateyntii uu horey u soo rogay

Abu Ayaan oo ku nool dalka Sweden ayaa sheegay in Al-Shabaab aysan saameyn badan ku yeelan karin xayiraadan cusub ee hadda lagu soo rogay 10 xubnood.

Kooxdan waa mid maxali ah shaqsiyaad taajiriin ah oo ka soo maalgeliya dibadda ma jiraan, ma’aha sida waddamada kale oo shaqsiyaad taajiriin ah ay maal-geliyaan ururada iyada la midka ah, sidaas awgeed Cunaqabateynta Mareykanka waxay la mid tahay kuwii hore,” ayuu yiri Cumar Maxamed Abu Ayaan.

Waxaa uu xusay in cunaqabateyntan aysan waxba ka tareynin kooxdaas, maadaama buu yiri Bangi dibadda ah aysan isticmaalin, xoolana aysan dhigan “Waxay ku nool yihiin waxa ay ka dhacaan shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed” ayuu yiri abuu AYAAN.

Waxaa uu xusay in haddii la rabo in la naafeeyo Al-shabaab dhaqaale ahaan ay tahay in lagala dagaalmo ilaha ay wax kasoo galayaan, sida canshuuraha iyo Zakawaatka waxa ay ku sheegaan,” ayuu  intaas ku daray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -