António Guterres: “Xaalada gobolka Tigray ee dalka Itoobiya faraha ayey ka baxday”

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres ayaa sheegay in ‘xaaladda Itoobiya ay faraha ka baxday.

Wuxuu ku baaqay in si deg deg ah loo bilaabo wadahadallada nabadeed ee lagu soo afjarayo colaadda isagoo intaas ku daray inaan la helin xal militeri oo lagu joojinayo dagaalka u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo jabhadda Tigray.

Xoghayaha guud ayaa sidoo kale ku baaqay in ciidamada Eritrea ay isaga baxaan halkaas kuwaasoo ka barbar dagaallamayay ciidamada Itoobiya.

Waxaa hakad galay gargaarkii la gaarsiinayay shacabka tan iyo markii ay dagaallada dib uga bilowdeen Tigray bishii August ee sanadkan kadib muddo shan bilood ah oo xabad joojin ah.

Dhinaca kale, Ciidamada fallaagada Tigray ee ku sugan waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa xulufadooda ah ay galeen magaalada muhiimka ah ee Shire.

Xukuumadda Addis Ababa waxay sheegtay inay la wareegeyso maamulka garoomada diyaaradaha ee Tigray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -