Faahfaahin: Duqeymo culus oo lagu weerarary saldhigyo ay leedahay Al-Shabaab

Ciidamada difaaca Soomaaliya iyo saaxiibbadooda Caalamka ayaa duqeyn ku burburiyey Baabuur ay Al-shabaab ku soo diyaariyeen qaraxyo ay la damacsanaayeen magaalada Muqdisho sida ay baahisay warbaahinta dowlada.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga ayaa xaqiijiyey in duqeyntan ay dhacday habeennimadii Axadda, waxaana laga geystay Xaafado ku yaalla degmooyinka Saakow iyo Bu’aale oo ka tirsan Gobolka Jubbada dhexe.

Duqeynta ayaa sidoo kale lagu burburiyey laba xarumood oo mid ka mid ah qaraxyada lagu farsameynayey halka xarunta kalena lagu tababari jiray xoogaga Al-Shabaab.

Dad goob-joogayaal ah warbaahinta dowlada u sheegay inay maqleen dhawaqa illaa todoba Gentaal iyo rasaas lala beegsaday goobahaas, iyadoo sidoo kalena degmada Bu’aale laga arkayay holaca gantaalaha lagu weeraray xarumaha Al-shabaab.

Sidoo kale warbaahinta dowlada ayaa ku warantay in Al-Shabaab khasaaraha gaaray uu ballaaran yahay, ayna jirto dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Ma jiraan warar madax banaan oo ka hadlaya duqeymahan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -