Allbanaadir.com
NEWS

Cali Guudlaawe oo booqday degmo cusub oo ay ansixisay Hirshabelle (Sawirro)

Wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta booqday degmada Geri-jir oo ah degmadii ugu dambeysay ee loo ansixiyay degmanimo.

Shacabka Geri-jir iyo maamulkooda oo ku faraxsan natiijada ka dhallatay dadaalkooda ayaa banaanka degmada cusub kusoo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha Hirshabeelle.

“Waxaan ku faraxsanahay maanta bulshada Geri-jir oo xaqiijiyay xalay degmanimadooda inaan kala qeyb galo dabaal-degooda.” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ugu baaqay bulshada Geri-jir inay xoojiyaan kaalintooda Dowlad-dhiskooda.

Dhinaca kale, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa caawa ka qeybgalay munaasabad ay soo qabanqaabiyeen maamulka degmada Matabaan taas oo ka dhacday xarunta degmada.

Shacabka Matabaan ayaa ka mahadceliyay taariikhda uu u sameeyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

“Waxaad na tusteen heer aan qiyaas laheyn oo la xariirto Dowladnimada Hirshabeelle. Waxaan hambalyo leeyahay bulshada Geri-jir oo ay u ansixiyeen Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabeelle degmanimo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa guul iyo barwaaqo u rajeeyay shacabka uu caawa kula kulmay Matabaan.

default

Related posts

Golaha Shacabka oo la hordhigay Hindisaha-sharci ee dad-dhigidda iyo tira-koobka xaalada Madaniga

Cabdi Cade

Labo Musharax oo saameyn badan oo isugu soo haray Doorashada Madaxweynaha Iran

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Ra’isul Wasaare Rooble oo si heer sare loogu soo dhaweeyay Cadaado

Cabdi Cade