Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab iyo ilaaladiisa oo Howlgal lagu dilay

Daraawiishta dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la sheegay iney ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa alshabaab iyo tiro dagaalyahano ah oo la socotay sida ay sheegeen masuuliyiinta Maamulka.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Max’ed (Xasan Eelay) ayaa sheegay in sarkaalka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Macalin Deerow uu Al-shabaab u qaabilsanaa jidgooyooyinka wadada isku xirta Bay iyo Bakool.

“Howlgal qorsheysanaa oo ay saaka ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ka fuliyeen degaanka Lafaale oo qiyaastii 28-Km u jira degmada Waajid ee Gobolka Bokool ayaa lagu dilay horjooge Macalin Deerow, waxaa sidoo kale goobtaasi kula dhintay ilaa 5 ka tirsan ilaaladiisa, waxaana laga soo furtay hubkii ay wateen oo gaaraya ilaa 8 qori oo AK-47, way sii socon doonaan howlgalada inshaa allaah”. ayuu yiri Wasiir Xasan.

Talaabadan ayuu wasiirka amniga Koonfur Galbeed ku sheegay inay qeyb ka tahay howlgalada ka dhanka ah Alshabaab ee ay iska kaashanayaan ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Militariga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -