Dhul iyo Dadba Xaaluf baa Inagu Dhacay: Abaaraha Fanka iyo Deegaanka oo is Helay.

”Leef oo ha liqinbaa
Lurka ii hor-seeddaye
Laabtaydaneey! Lululka iga daa!”
Ereyadii Abwaan Xasan Sheekh Muumin; Naaxiyaddii C/kariim Faarax Qaarey
”Jiir”; Codkii Hibo Maxamed Hoddoon ”Nuura”

Waxaa galabta goor dambe WhatsAppka waxaa iigu soo dhacay fariin.
Markii aan furay waxaa ii baxay muuqaal indhahayga si walba u soo jiitay.
Waxaa dhegtayda ku dhacay cod nadiif ah oo asalkii uu dhuunteeda
dahabka ah kaga soo baxayay Fanaanadeena wayn ee Hibo-nuura, oo aan
Miyuusig haba yaraadee lagu darin. Qiyaastii waa codadka tijaabada ah ee
Suxufiyiintu waydiiyaan fanaaniinta goortii ay warsanayaan oo xili hore u
eg.

Waa heestii ”Laalays” oo la saaray muuqaal fariinta dusha ee ay heestu
wadato u eeg; Hawd jiq ah, geel iyo adhi daaqaya, Awr geeddi ah, dhiil la
culayo, geel la maalayo iyo muuqaalo kale oo aanay ishu diidin. Labadaas
dareen – maqalka iyo araga heestaas iyo muuqaas – waxa ay dib iigu
tuureen sanado la soo dhaafay.

Horta Alle ha u naxariisto Abwaan Xasan Sh. Muumin. Cabdikareem
Faarax Qaarey "Jiir" oo heestan codkeeda hawada ka sameeyeyna
xushmad iyo qaddarin wayn ayaan u hayaa.

Sanadkii 2002-dii ayaan aaday magaaladda Alleybaday. Waa gu aad dhulku
u rooban yahay. Aniga Abtigay iyo Xaaskiisa, iyo xaaska Abtigay kale oo
qurbe ka timid, ayaa gaadhi wayn oo uu lahaa (iska rogo) ku tagnay.
Dirawalka iyo wiil kale ayaa na weheliyay. Wiilka kale ninka waddada aad u
garayay buu ahaa. Nasiib darro dusha ayuu gaadhiga ka saaran yahay. Kolba
inta aanu joogsano ayaanu u baaqnaa. Saa isaga oo sagxadda gaadhiga isku
nabaya ayuu marba madaxa la soo boodaa oo oo wadada na tusaa. Way
fiicnaan lahayd in aan anigu bedelo. Laakiin qaan gaadhba markaasaan
noqday. Wiil yar oo abtigii la socdana waan ahaaye wax kaga dar.Qadawga (Hawdka) Gabiley iyo Alleybaday u dhexeeya waa jiq. Bakaylena
kama dhex dusi karayo. Waxa aan aad u xusuustaa in kolba aanu gaadhiga
hakino bal si aanu u hibino in Carab Laangadhe– oo isaga qudhiisu abti ii
ahaa — wali uu gaadhiga saaran yahay iyo in ay dhirta garbaha isku qabatay
iyo laamaha cadaada ah ee wadada afka ku qabtay ay waa hore dafeen.
Toban daqiiqo oo xidhiidh ah maanu socon.

Alleybaday, Aabahay ayaanu ugu tagnay. Waxa aan aad u xusuustaa waxa
aanu isna meesha ugu tagnay nin magiciisu ahaa Sulub oo ay walaalo
ahaayeen gabadhii kale ee habaryarta (amaba aayada ii ahayd). Waa
maalintii iigu horaysay ee aan arkay laba qof oo walaalo ah oo is garan
waayay. Aabahay ayaa ku yidhi labadaa gabdhood garo. Wuu garan waayay.
Gabadhiina way garan wayday. Markii la isku sheegay ayay isku burureen.
Waxa ay ka mid ahaayeen tafiir aad u badan oo uu dhalay Sheekhal Baladka
Magaalada oo bad bariba meel walba tafiirtiisu gaadhay. Ha kala
waynaadaan haddana waxaa hubaal ahayd in ay xili hore iyo yaraan ay
iskugu dambaysay.

Soo laabashadii waxa aanu soo qaadnay khudaar badan oo beer aanu
meesha ku lahayn laga soo gooyay. Basal iyo kaabash ayaa u badnaa.
Waxaan aad u xusuustaa in markii aanu soo laabanay in aanu aragnay
khudraddii oo joonyadihii ay ku jirtay ay dhirtii xuubsatay oo wax daatay
iyo wax gaadhiga ku dhex baahay ay u qaybsantay.

Dhulkii sidaa ahaa ayaan dhawaan qadawga maray. Waa dhulkii oo
haawanaya. Marka aad geed balaadh joogto oo qiiqa wajaale kuu baxayo.
Ama marka aad magaalo Farxaan marayso oo ay Alleybaday kuu muuqato.
Dhirtii oo aad loo jaray. Dhulkii oo nabaad guuray. Aad baan uga damqaday.
Waxaa si aad ah ii qiiro galiyay wasladdan yar ee muuqaalka ah oo aan ka
Mr Bouni Abdi Abeib oo Hargeysa jooga. Waxaa isoo jiitay, Codka Hibo
Nuura ereyadda Abwaan Xasan Sheekh Muumin iyo Naaxiyadda xaadda ku
joojinaysa ee C/kariim Faarax Qaarey "Jiir".

Waxaa kale oo isoo jiitay dhulkan masnada ah ee daaqsinka wanaagsan,
awrta xidhiidhka ah, adhiga iyo maqasha wada jira, Hawdka bilicda san iyo
Dhiilka la cugayo, geela la maalayo iwm.
Hadddaba intaasoo isku qoofalan; Waxa aan ka quustay in aanu dhul
caynkaas u eegi maanta jirin, Si la mid ah sida aan uga quustay in aanay Dad
la cayn ah Abwaan Xasan, Fanaanad Hibo yo iyo Laxamkiiste Jiir haddii

dhulka seef lagu soo dhameeyona aan noocooda (filkoodii hore wax aan
ahayn) Soomaali looga soo helaynin! Waxa aan u hubaa sida ay u adag tahay
codkaa aan maqlay in aan dib dambe u maqlo, in ay u adag tahay in aan dib
dambe dhul noocaas ahna u maro. Waa lama arkaan lama maqlaan.
Miyaanay iyaba "Leef oo ha liqin"-taa uu abwaanku sheegay ahayn —
qoodhiin iyo xeradiin?

Abaaraha ina helay ma yara; ee inta aynu ognahay ayaa yar. Mid diimeed
baa ina heshay, mid dawladeed baa ina heshay, mid damiir baa ina helay,
mid dulqaad baa ina helay, mid dugaal baa ina heshay, mid dadnimo ayaa
ina heshay. Intaasiba sida dib loogu soo celiyaa aad bay u adag tahay.
Dhulka intaas baaxaddiisu ku fadhido sida in dib loo beeraa ay u adag tahay,
ayay u adag tahay in fan sidii uu ahaan jiray ahna in la helaa. Soomaali waa
dadka kali ah ee shalaydoodii ay maanta dhaanto. Maxaan ka hadlaa ninka
xamar Soo arkay baaban ahaye!

Miyaanay isku banaanayn heesta iyo muuwaalja iyo sida ay maanta
Soomaalidu u taalo.
Laalays dusheediyo
Laag iyo xaraar dheer
Laan gabi ku taaloy
Lulayaan dabayluhu
Xiisaha ku laalanee
Kalgacaylkii lumiyee
Loxoskii ku dumiyaa
Guurkii lug gooyee
Leef oo ha liqintaa
Lurka ii horseedaye
Laabtaydaneey
Lululka igadaa!

Nabaadiino
Abdirasak Salah
Email: Abdirasaksalah@gmail.com
Tell: +252634466677
Mogadishu, Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -