Guddi baaritaan oo Trump ku helay inuu abaabulay shirqool muddo bilo ah la maleegayay

Guddi Congaresska Mareykanka ay u saareen baaritsta eedaha ku xiriira dhacdaddii 6-dii bishii January ee sanadkii 2021-ka lagu weeraray dhismaha Congaress-ka Mareykanka ee magaalada Washington ayaa shalay soo gabagabeeyay dhageysiyo furan oo arrintan la xiriira.

Guddiga ayaa u codeeyay in loo yeero madaxweynihii hore Donald Trump si wax looga weydiiyo doorkii uu ku lahaa rabshadahaas oo ay geysteen taageerayaashiisa.

Dhageysigii shalay ayaa xoogga saarayay gunaanadka baaristii ay wadeen guddigan oo lagu sheegay in Donald Trump uu udub dhexaad u ahaa shirqool muddo bilo ah la maleegayay oo la doonayay in wax looga bedello natiijada doorashadii madaxtinimo ee 2020-ka ee looga guuleystay Trump.

Trump iyo taageerayaashiisa ayaa diiday baaritaanka iyo natiijada kasoo baxday, iyagoo ku tilmaamay mid hal dhinac ah.

Gudoomiyaha Guddiga, mudanaha dimuquraadiga ah Bennie Thompson, ayaa sheegay in xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ah ee baaritsan uga soo baxday ay tahay mid caddeymahoodu ay ka yimaadeen Jamhuuriyiinta.

Cadeeymaha ay gudigan soo bandhigeen waxaa ku jira wareysiyo lala yeeshay xoghayeyaal ka tirsanaa xukumaddii Trump, iyo muuqaallo aan horey loo arag oo muujinayey hogaamiyeyaasha Congaress-ka oo codsanaya in loo soo diro milatari ammaankooda suga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -