Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Farmaajo ka yiri guusha Somalia ka gaartay hanashada koobka CECAFA?

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray ciyaartoyda xulka Qaranka 17 jirada Somalia oo ku guuleystay galabta koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA.

Xulka Somalia ayaa 3-1 ku quusiyey dhigooda koonfurta Sudan ka dib ciyaar final ah oo ka dhacday magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Farmaajo ayaa sheegay in Dhallinyarada Soomaaliyeed ay leeyihiin hibo, adkeysi iyo karti ay kaga tilmaaman yihiin dhiggooda caalamka.

HOOS KA AKHRISO QORAAL UU BARAHA BULSHADA SOO DHIGAY  

Hambalyo guusha ay soo hooyeen Xiddigaha 17- jirrada ah ee Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee tartanka da’ yarta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA.

Dhallinyarada Soomaaliyeed waxay leeyihiin hibo, adkeysi iyo karti ay kaga tilmaaman yihiin dhiggooda caalamka, sidaa awgeed waxay mudan yihiin in niyadda loo dhiso, mar walbana la garab istaago.

Waxaan ku bogaadinayaa maamulka, macalimiinta iyo ciyaaryahannada Xulka kubadda Cagta guushan taariikhiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidan ka tirsan ilaalada Villa Somalia oo lagu tababaray dal ka tirsan Yurub (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) DF iyo dowlad gobol goboleedyada oo gaaray heshiis ay maqan tahay Puntland

Caydiid Ali

Magaalo laga mamnuucay cunista Hilibka Eeyaha iyo bisadaha iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---