Fadeexad kale oo ku soo baxday Booliska Iran & dibed baxyadii socday oo xoogeystay (Sawirro)

Waxaa sii kordheysa Caro xooggan oo ka dhalatay muuqaal laga duubay ciidamada ka hortaga rabshadaha ee dalka Iran, oo lagu baahiyay baraha bulshada, iyagoo weerar ku saleysan faroxumeyn u geystay haweenay ka mid ah dadka ka qayb qaadanayay dibadbaxyada ka socda dalkaasi, xilli ay ciidamadu isku dayayeen inay xabsiga dhigaan

Shacabka isticmaala baraha internet-ka ayaa aad uga xumaaday falkan, waxayna dalbadeen caddaalad, iyagoo ku baaqay inuu is casilo taliyaha ciidamada booliska dalkaas, talaabada laga qaado ciidanka falkaas ku kacay.

Dowladda ayaa qaar ka mid ah baraha bulshada xayirtay, hase ahaatee dadka reer Iran weli waxay awoodaan in ay baraha bulshada ku wadaagaan sawirro kicinaya damiirka dadka oo ku saabsan mudaharaadyada socda.

Qalalaase xooggan oo noqonaya kii ugu ba’naa muddo tobannaan sano ah ayaa ruxay dalkaas. Bannaanbaxyadan ayaa qarxay bishii la soo dhaafay ka dib markii ay dadka ka gilgisheen dhimashada gabar 22-jir ahayd oo geeriyootay iyadoo ku jirtay gacanta booiiska ka dib markii lagu eedeeyey iney xijaabka u xiran weysay siyaabaha loogu talo galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -