RW Khayre & danjiraha Maraykanka oo qodobo xasaasi ah ka wada hadlay

Ra’iisal wasaaraha Somalia Xassan Cali Khayre ayaa kulan xasaasi ah la qaatay danjiraha Maraykanka u fadhiya Somalia Ambassador Yamamoto oo ay wehliyeen Xubnaha safaaradda, waxaana looga wada hadaly horumarinta xaga nabadda, Xasiloonida iyo sidii dalku u gaari lahaa isfaham siyaasadeed.

“Wada shaqeyn dhexmarta Dawladda Federaalka Soomaaliya, Dhamaan dawlad goboleedyada iyo xubnaha beesha caalamka ee la shaqeeya Soomaaliya waa furaha dib u soo nooleynta Somaaliyada cusub” ayaa lagu yiri qoraal kulankaas ka dib lagu daabacay bogga safaaradu ku leedahay Twitterka.

Kulankaan ayaa sida wararku sheegayaan waxay dawladda Maraykanku uga gol leedahay sidii isfaham siyaasadeed u dhexmari lahaa Dawladda dhexe ee Iyo maamul goboleedyada sida loo gaaro doorasho midaysan 2020-21.

Xubno ku dhow safaarada ayaa sheegay in kulankan uu daba socdo war saxaafadeedkii ka soo baxay Golaha amaanka ee QM ee looga hadlay hirgalinta doorasho loo dhan yahay, xasilooni siyaasadeed iyo xalinta Arrimaha maamul goboleedyada gaar ahaan Jubbaland oo si gaar ah loogu soo hadal qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -