Madaxweyne xilka hayey 32 sano oo mar kale doonaya inuu tartamo

Maxkamada ku taalla dalka Uganda ayaa ridday xukun ay ku taageerayso isbedel uu baarlamaanka dalkaasi ku sameeyey dastuurka, taasoo meesha ka saartay qodobkii xadidayay da’da cidda u tartamaysa Madaxwaynaha inay noqoto mid ka sareysa 35 illaa 75 sano.

Garsoorayaasha Maxkamadda ayaa xukumay in laalida da’da madaxweynenimo aysan meesha ka saareyn awooda ay dadku u leeyihiin in ay aayahooda ka tashadaaan, sida uu qeexayo qodobka koowaad ee dastuurka dalkaasi.

Waxay intaas ku dareen garsoorayaashu in baarlamaanku ay ku saxnaayeen isbadelkii ay sameeyeen.

Golaha garsoorayaasha oo gaarayay shan ayaa afar ka mid ah waxa ay isku raaceen in isbadelka baarlamaanku ay ku saameeyeen dastuurka dalka uu ahaa mid sax ah.

Dhammaan garsoorayaasha ayaa ku garab istaagay baarlamaanka meel marinta sharcigan, maadaama baarlamaanku u codeeyeen in muddada xileedka madaxweynaha laga dhigo ilaa 7 sano

Museveni ayaa haya tallada dalka Uganda muddo 32 sano ah, dastuurkana uma suuragalinayo inuu u tartamo doorashada 2021 hadii qodobka xadidaada da’da madaxweynaha uu sii jiri lahaa, waxaana musaveni uu ka mid yahay madaxda ugu xiliga dheer qaarada afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -