Dowlada Somalia oo xabsiga dhigtay sarkaal sheegtay darajo & xil been abuur ah

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa xabsiga dhigay sarkaal ka tirsanaa ciidankaas ka dib markii uu sheegtay xil been abuur ah.

Sarkaalkan oo magaciisa lagu soo gaabiyey Col. Yaasiin ayaa sheegtay darajada Jeneraal iyo inuu yahay taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Col. Yaasiin ayaa ka soo wareegay Gobolka Gedo oo uu taliye qeyb ka ahaa, waxaana uu Muqdisho yimid horaantii sanadkan sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan xoogga.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. C/wali Jaamac Gorod  ayaa amar ku bixiyey in la xiro sarkaalkan, baaritaana lagu sameeyo, isagoo haatan ku jira xabsiga CID-da.

Sheegashada darajooyinka been abuurka ah ayaa ku badan ciidanka xoogga dalka, iyadoo saraakiil ka tirsan ciidanka ay mushahar ku qaataan darajooyin aysan khibrad u laheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -