Wasiirka Arrimaha dibeda oo gaari qafilan ka guddoomay danjire Xasan bin Xamsa (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ee xukuumada Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay danjire Xasan bin Xamsa Asad Haashim oo ah Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya.

Safiirka Qatar ayaa gudbiyay salaan uu ka siday wasiirka arrimaha dibeda Qatar oo ku socotay Wasiir Axmed Cawad, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu salaan u diray walaalkiisa Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan bin Jaasim Aala thani, Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar.

Kulanka ayaa la iskula eegay xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa, waxaa kale oo la is dhaafsaday aragtiyo ku salaysan arrimaha gobolka iyo dunida.

Danjire Xasan Xamsa ayaa gaari qafilan oo aanu xabadda karin ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya si ay ugu adeegsato arrimaha muhiimka ah, iyadoo ah hadiyad ka timid Xukuumadda iyo Shacabka Qatar.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Mudane Mustafa Aadam Dagaal, Agaasimaha Waaxda Carabta ee Wasaaradda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -