Allbanaadir.com
NEWS

Jabuuti oo wali jawaab cad oo ku aadan codsi ay u direen Itoobiya sugeysa

Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay in aysan wali jawaab rasmi ah ka helin dowladda Itoobiya, taa oo ku aadan qorshihii ay ugu soo bandhigeen in ay siinayaan dekedda Tojorah, si ay u adeegsato dowladda Itoobiya ugana laabato heshiiskii ay Somaliland la galeen ee xiisada abuuray.

Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in wali dowladda Itoobiya ka sugayaan in ay aqbalaan ama iska diidaan soo jeedintoodii ku aadaneyd in ay siinayaan dekadda Tojorah si ay Itoobiya u adeegsato.

Waxa uu sheegay wasiir Maxamuud Cali Yuusuf  in ujeedada ugu weyn oo ay adeegsiga dekedda Tojorah ugu bandhigeen dowladda Itoobiya ay tahay, si loo xalliyo xiisaddii ka dhalatay MOU-gii badda ee sababay Khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Arrintaasi wali miiska ayay saarantahay u jeedada ugu wayn ee aanu ka lahayna waxay ahayd in aanu yarayno xiisada ka dhex jirta Itoobiya iyo Soomaaliya, madaama oo ay Itoobiya raadinayso marin badeed” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in haddii dowladda Itoobiya aqbasho in ay adeegsato dekadda Tojarah in ay haddana isla eegi doonaan nooca heshiiska ee ay wada-gali karaan iyo in la abuuro shirkad ganacsi oo dhaqaalaha labada dal kor u qaadi doonta, waxaanu sheegay in ay wali jawaab ka sugayaan Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeney markii Ugu Horreysay Hoggaamin Doonto WTO iyo sida ay ku dhacday

Cabdi Cade

Wasiir Beyle oo la kulmay Guddiga cusub ee Maaliyada Golaha Shacabka (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

Koob Kubada Cagta oo lagu soo gabo gabeeyay Degmada Dayniile (Daawo Sawirada)

admin