Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyihii degmada Qoryooley oo goordhaw la dilay iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Wararka aan ka heleyno degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose ,ayaa sheegaya in goordhaw qarax miino oo ka dhacay duleedka degmadaasi lagu dilay Sayid Cali Ibraahim oo ahaa guddoomiyihii Qoryooley.

Sida aan wararka ku helnay guddoomiyaha iyo qar kamid ah ilaaladiisa ayaa qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso lagula eegtay duleedka degmada Qoryooley, waxaana qaraxa sidoo kale ku dhintay qaar kamid ah ilaaladiisa.

Ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka qaadeen dadka qaraxa ku dhaawacmay iyo sidoo kale meydka guddoomiyaha iyo dadkii la geeriyooday.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo kan gobolka Shabeelaha Hoose ayaan wali ka hadlin qaraxan lagu dilay guddoomiyihii degmada Qoryooley, waxaana qaraxan iyo saameyntiisa si weyn looga dareemay Qoryooley.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xarun labaad oo hey’ada socdaalka ka furatay Muqdisho oo xariga laga jaray (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Balad Xaawo iyo ciidamada dowlada oo gurmad badan helay

Cabdi Cade

Xasan Sheekh: “Ciidan ka Amar qaata Farmaajo ayaa hoygeyga igu soo weeraray”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---