Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Balad Xaawo iyo ciidamada dowlada oo gurmad badan helay

Duleedka degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo waxaa maanta ka qarxay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Daraawiishta Jubbaland uu hogaaminayo wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Dagaalka oo saakay barqadii bilowday ayaa lasoo sheegayaa in goordhaw wax xoogaa qaboobay, waxaana wali aaga dagaalka laga maqlayaa rasaas goos goos ah ay is dhaafsanayaan ciidamada iska soo horjeeda.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada dagaalamaya ayaa ku sugan xaafado ku dhaw dhaw xadka magaalada Mandheera, waxaana dagaalka xoogiisa maanta uu ka dhacay xero duleedka Balad Xaawo kaga sugnaayeen ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa dagaalka kasoo gaaray labada dhinac ee dagaalamaya, waxaa sidoo kale dagaalka dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa aaga dagaalka iyo xaafado kale oo ka fog fog.

Ciidamo badan oo katiran dowlada federaalka Soomaaliya kana tagay degmada Doolow iyo deegaano kale oo katiran gobolka Gedo ayaa gaaray degmada Balad Xaawo kuwaa oo garab ku siinaya dagaalka ciidanka dowlada.

Gaadiid dagaal iyo ciidamo badan oo gurmad ah ayaa lagu oo waramayaa in ay tagaan aaga ay isku hor fadhiyaan ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka Jubbaland, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale ciidamada ka dhax qarxo dagaal culus.

Shacabkii ku sugnaa degmada Balad Xaawo ayaa inta badan isaga qaxay degmadaasi, waxa ayna dadka u baxsaadeen dhinaca magaalada Mandheera iyo sidoo kale deegaano kale oo kuyaala duleedka magaalada Balad Xaawo.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa guulo ka sheeganaya dagaalka, mana jiro ilaa hada ilo madax banaan oo xaqiijin kara khasaaraha dagaalka ka dhashay iyo sidoo guulaha ay ciidamada kala sheeganayaan.

Dagaalkan maanta ka qarxay magaalada Balad Xaawo ayaa ahaa mid mudooyinkan laga cabsi qabay in magaaladaasi ka qarxo, waxaana dagaalka salka ku hayaa gacanta ku heynta Balad Xaawi ay ku loolamayaan dowlada federaalka iyo maamulka Jubbaland.

 Waxii Warar ah ee kusoo kordha dagaalka kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -