Xasan Sheekh: “Ciidan ka Amar qaata Farmaajo ayaa hoygeyga igu soo weeraray”

Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamo ka amar qaata Maxamed C/llaahi Farmaajo ay weerar ku soo qaadeen hoygiisa oo ku yaalla xaafada Mariinada ee degmada C/casiis

“Waxa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga. Waxaan horay ugu digay kuna celinayaa khatarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka” ayuu yiri Xasan Sheekh oo farriin soo dhigay baraha bulshada.

Xasan sheekh ayaa intaas ku daray in Mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata arrinkan uu qaadi doono Farmaajo.

Dhinaca kale, Dagaalka ka dhacay xaafada Mariinada ayaa la sheegay inuu u dib u qarxay goor dhow markii ciidamadii NISA oo dib loo riixay ay mar kale soo rogaal celiyeen, waxaana dagaalkaas ku biiray ciidamada Gorgor oo wata gaadiidka gaashaaman.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -