(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Duqa Muqdisho & iyo Mrs Makiko Watanabe?

Guddoomiyah goboka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay wafdi ay hogaamineesay u-qeybsanaha Mashruuca Horumarinta Magaalooyinka ee Bangiga Aduunka Mrs Makiko Watanabe.

Kulankaan ayaa loogu hadlay Qorshaha horumarinta Caasimada Muqdisho, gaar ahaan dhismooyinka Wadooyinka Waaweyn ee Laamiyada, Wadooyinka Xaafadaha ee (Interlog) iyo wax ka qabashada Biyo qabadyada iyo Bulaacadaha Muqdisho oo ay Bangiga Aduunka ka taageeri doonto Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa uga mahadnaqay Bankiga Aduunka taageerada ay siiyaan Magaalada Muqdisho, asigoona xusay Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sidii loo horumarin lahaa Caasimadda Muqdisho.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada ayaa isla xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dowladda Sudan u fadhiya Soomaaliya Amb. Salah Elguneid oo ugu yimid Duqa Muqdisho salaan sharafeed asigoona ugu Hambalyeeyay in mar labaad uu Madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa uga mahadnaqay safiirka dalka Sudan ee Soomaaliya taageeridda dowladiisa ee arrimaha Soomaaliya iyo sii xoojinta iskaashiga wax wada qabsi ee labada shacab.

Danjire Salah ayaa u rajeeyay Duqa Magaalada Muqdisho in uu eebe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee hortaala taasi oo ugu horeysa ka shaqeynta horumarka Caasimadda Muqdisho.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -