Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Ruushka oo duqeyn lagu hoobtay ka geystay Magaalada Zaporizhzhia (Sawirro)

Sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ukraine, ugu yaraan 17 qof ayaa lagu dilay gantaalada Ruushka uu ku garaacay koonfurta bari ee magaalada Zaporizhzhia,

Tobaneeyo kale ayaa dhaawacmay, waxaana burburay dhismayaal dhowr ah oo la dego, halka qaarkoodna uu dab ka kacay

Magaalada waxaa gacanta ku haysaa Ukraine, balse waxa ay ka mid tahay gobol uu Ruushku sheegay inuu la wareegay bishii hore.

Zaporizhzhia ayaa si isdaba joog ah loo garaacay toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo Ruushka uu dib ugu bilaabay magaalooyinka ka dib markii uu guuldarrooyin kala kulmay koonfurta iyo waqooyi-bari ee Ukraine.

Buundada ayaa sidoo kale calaamad u ah ka go’itaankii Ruushka ee Crimea ee Ukraine 2014. Qaraxa kadhacay bundadaasi ayaa waxaa ku dhintay saddex qof, sida ay sheegeen baarayaal Ruush ah. Saraakiishu waxay sheegeen in si degdeg ah loo bilaabi doono ka shaqaynta hagaajinta qaybaha burburay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fahad Yaasiin oo soo bandhigay Shan farriimood oo kasoo baxay Shirkii Ankara

Cabdi Cade

Akhriso: 20 Qodob oo laga soo saaray shirkii Ururka Islaamka ee Muqdisho lagu soo xiray

Caydiid Ali

Wasiir ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle oo xilka laga qaaday (Wareegto)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---