Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Liyuu Boolis oo adkeeyey xadka Bakool & dowlad degaanka Soomaalida

Ciidanka Gaarka ah ee dowlad Degaanka Soomaalida (Liyuu Boolis) ayaa hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabay xaduudka Degaanka uu la wadaago Soomaaliya dhinaca Gobolka Bakool.

Saraakiisha ciidamada liyuu Boolis ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sidii looga hortegi lahaa weeraro ay Al-Shabaab kusoo qaadaan dhulka dowlad degaanka Soomaalida iyo qaraxyo laga cabsi qabo inay fuliyaan

Waxaay sheegeen inay adkeeyeen amniga xaduudka u dhaxeeya dowlad degaanka Soomaalida iyo dhinaca Gobolka Bakool, isla markaana howlgallada ay sii wadi doonaan.

Ciidamada liyuu Boolis iyo Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay maalmo ka hor degaanka Yeed ee Gobolka Bakool, halkaasoo tuulooyin u dhow ay Ciidanka liyuu Boolis sheegeen inay la wareegeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Warbixino cusub oo laga helay kulankii Xassan Shiikh & Erdogan

Caydiid Ali

Faahfaahin: Nin ajnabi watay walxaha qarxa oo lagu qabtay garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali

Shiikh Xassan Daahir oo ka hor yimid kacdoonka Qabaa’ilku kula dirirayaan Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---