Shiikh Xassan Daahir oo ka hor yimid kacdoonka Qabaa’ilku kula dirirayaan Al-Shabaab

Shiikh Xassan Daahir Aweys oo xabsi ugu jira dowlada Somalia ayaa si cad uga soo horjeestay kacdoonka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka bilowday gobolada dhexe ee dalka kaasoo ay wadaan qaar ka mid ah qabaailka halkaas ku nool.

Xassan daahir ayaa xusay dagaalka ay wadaan Al-shabaab inuu yahay mid jihaad ah oo lagu kor yeelayo diinta Islaamka, isagoo qabaa’ilka iyo maamulada la dagaalamaya ku tilmaamay kuwo ka soo horjeeda jihaadka iyo diinta sida uu hadalka u dhigay.

“C/llaahi Yuusuf baa jabhad noqday oo dagaalamay, SNM baa dagaalantay, USC baa sidoo kale dagaalantay, dhamaantood waxay la dagaalameen dowladii hore ee Somalia oo ay ugu dambeyn dumiyeen, waxa Al-shabaab loola dagaalamayo ee ay uga duwan tahay jabhadaas waa Maxay? ileyn kuwaasba shacabka waa dili jireene? ayuu yiri Xassan Daahir oo muuqaal ku baahiyey baraha bulshada.

Xassan Daahir ayaan waxba ka soo qaadin shacabka la xasuuqay iyo ceelasha ay Al-shabaab burburisay xili ay dalka ka jiraan abaaro iyo biyo la’aan.

“Haddii dadka baraagaha iyo ceelasha laga dumiyey, Maxamed siyaad Barreba waa ka dumin jiray, haddii ay dad dileen “Shabaab”, jabhadiiba dadka waa dilaayeen maxaa kuwaan si gaar ah loogu beegsanayaa? sababta wax kale maaha diinta ayey u dagaalamayaan” ayuu intaas ku daray.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Xassan Daahir sheegay in Jabhadaha la midka ah Al-shabaab ay caadi u tahay iney la diriraan dadka ka hor yimaada.

“Haddii (Shabaabku) qolo ay la baxeen oo ay laayeen sow tii Maxamed siyaad Barreba  dili jiray dadka intuu guryaha kala baxo,  sidoo kale jabhadiiba sow dadka uma geysan jirin dhac iyo dil? maxaa kuwaan keligood loo beegsanayaa? waxaa halkaas ka cad in wax lala diriraya ay tahay diinta ee aysan wax kale aheyn” ayuu yiri Xassan Daahir.

Hadalka Xassan Daahir oo dad badan ka careysiiyey ayaa ku soo beegmay xili gobolada Hiiraan iyo Galgaduud uu ka socdo kacdoon qabaailka qaarkood uga soo horjeedaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen iney ku heyso xasuuq, burbur hantiyeed iyo boob.

- Advertisement -