Faahfaahin: Nin ajnabi watay walxaha qarxa oo lagu qabtay garoonka Aadan cadde

Nin la sheegay inuu heystay dhalashada Koonfur Afrika ayaa la sheegay in shalay lagu qabtay garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho ee aadan cadde kaddib markii lagu qabtay boorso ay ku jireen walyaabaha qarxa.

Saraakiisha garoonka aadan cadde ayaa sheegay in ninkan uu raaci rabay dayuurada Ethiopian Airlines oo dhowaan duulimaadyo joogto ah ka bilowday magaalada Muqdisho.

Ninkan oo aanan magaciisa la shaacin ayaa la sheegay mid ka mid ah boorsooyin uu sitay ay ku jireen agab loo maleynayo inay yihiin kuwa qarxa oo ka gudbi waayey mashiinada wax baara ee garoonka yaalla.

Dayuuradda Ethiopian Airlines ayaa la sheegay iney shalay ka duushay garoonka iyadoo aanan wadin wax rakaab ah ka dib markii lagu wargeliyay dhacdadan.

Ilaa hadda ma jirto cid ka tirsan booliiska Soomaaliya ama maamulka garoonka diyaaradaha oo arintan faahfaahiyay balse wararka qaar ayaa sheegaya in ninkan lagu wareejiyey ciidamo ajnabi ah oo ku sugan xerada Xalane baaritaana lagu hayo.

Shirkadda Ethiopian Airlines ayaa sheegtay iney hakad gelisay duulimaadyadii ay ku iman jirtay Muqdisho tan iyo inta laga ogaanayo waxaa uu ahaa ninkan watay waxyaabaha qarxa oo la sheegay inuu u shaqeeyo mid ka mid ah shirkadaha ajnabiga ah ee degan garoonka Aadan cadde.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -