Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo digniin culus siisay warbaahinta ka dib amarkii ka soo baxay Dowlada

Al-Shabaab ayaa jawaab adag ka bixisay amarkii kasoo baxay dowladda Somalia ee warbaahinta madaxa banaan looga mamnuucay baahinta wararka ka soo baxa kooxdaasi.

Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayaa warbaahinta madaxa banaan looga digay inay fuliyaan go’aanka dowladda, waxayna ku goodisay iney beegsan doonaan warbaahin kasta oo fulisa amarkan.

“Warbaahintii ka tegta dhex-dhexaadnimada waxaan u aqoonsan doonaa inay qayb ka tahay dagaalka lagula jiro mujaahidiinta u taagan shareecada islaamka” ayaa lagu yiri bayaanka Al-shabaab

Go’aanada iska soo horjeedo ee ka soo kala baxay dowlada iyo Al-shabaab ayaasaameyn adag ku yeelan doona shaqada warbaahinta gudaha.

Dowlada Somalia ayaa dagaal dhinaca warbaahinta kula jirtay Al-shabaab saacadihii la soo dhaafay, waxaana la xiray inta badan barihii internetka ee Al-shabaab ay ku baahin jirtay wararka ay gaarsiinayaan bulshada iyo kuwa dacaayadaha ee la xiriira dagaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda Galmudug oo labo garab u kala qeybsamay iyo Khilaaf cusub oo soo shaac baxay

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo qoraal xasaasi ah u soo diray Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Caydiid Ali

(Sawirro) Milateriga Somalia oo soo bandhigay hub ay ka furteen kooxda Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---