Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal culus oo ka qarxay degaan hoos taga degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan

Dagaal culus ayaa la soo sheegayaa inuu saaka ka qarxay degaanka Jicibow oo qiyaastii 30km dhanka Waqooyi kaga beegan dagmada Buule burte ee Gobolka hiiraan kaasoo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo dadka degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Sida wararklu sheegayaan dagaalka ayaa yimid ka kadib markii ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ay weerareen degaanka Jicibo oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dagaalka oo leysku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan uu yahay mid xoogan oo jilbaha la isu aastay.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo labada dhinac kasoo gaaray dagaalka, balse aan weli laga helin faahfaahin.

Ciidamada DF iyo xoogaga degaanka ayaa Al-shabaab kala wareegay todobaadyadii la soo dhaafay inta badan degaanada hoos taga gobolka hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dowlada Somalia oo ciidamo hor leh geysay degmada Belad-xaawo

Caydiid Ali

Meydadka sargaal iyo dad kale oo roobka sababay oo laga helay Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo io Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo kulmay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---