Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Dowlada Somalia oo ciidamo hor leh geysay degmada Belad-xaawo

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxay ciidamo hor leh geysay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo kuwaasoo ku hubeysan Gaadiid dagaal.

Ciidamadan ayaa qeyb ka ah ciidamo maalmo ka hor laga dejiyay degmada Doolow ee gobolka Gedo kuwaasoo laga duuliyey magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan oo ka tirsan Nabad sugida Soomaaliya ee NISA ay safar dhulka ku tageen degmada Beled-Xaawo

Taliyaha Howlgalinta Jubooyinka ee Ciidamada dowladda, Bakaal Kooke, Taliyaha qeybta Booliska gobolka Gedo C/qaadir Cumar Biixi iyo Saraakiil kale oo ka tirsan dowladda ayaa degmada Beled-Xaawo ku soo dhaweeyay ciidamadan iyo saraakiishooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Guddiga difaaca Baarlamanka oo Su’aalo weydiiyey Wasiirada & Saraakiisha amniga

Caydiid Ali

Nin Israa’iili ah oo xog siinayay Sirdoonka Iran oo la qabtay

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Caawa Sadex askari ku dishay magaalada Boosaaso 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---