Magaca iyo Sawirka ninkii dilay Taliyihii ciidanka Difaaca Itoobiya oo lasoo bandhigay

Dowlada Itoobiya ayaa shaacisay magaca iyo sawirka askarigii ka dambeeyay dilkii magaalada Adis Ababa Sabtidii loogu geestay taliyihii guud ee ciidammada difaaca dalka Itoobiya jeneraal Seare Mekonnen .

Taliyaha iyo sargaal kale oo katirsanaa ciidamada Itoobiya ayaa lagu toogtay magaalada Adis Ababa, waxaana dilkaasi la sheegay in uu ka dambeeyay askari katirsanaa ilaalada taliyaha ciidamada Difaaca Ioobiya.

Telefeshinka dawladda Itoobiya ee ETV ayaa shaacisay in dilka taliyaha iyo sargaalka kale ee lala dilay uu ka dambeeyay Labo Alifle Mesafint Tigabu oo katirsanaa ilaalada Jeneraal Seare Mekonnen .

Askariga dilka geestay ayaa la sheegay in hada ku jiro isbitaal kuyaala magaalada Adis Ababa oo looga daweenayo dhaawac halis ah oo soo gaaray, waxaana isbigaalka ilaalo xoogan ka haya ciidamo katirsan booliiska Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -